U bood dhigaalka

Cutubkii Ugu Horreeyay Ee Ka Socda Ciidanka AMISOM Oo Gaaray Cadaado

Sheeko:Dalka

Cutubkii ugu horreeyay oo ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Cadaadoo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadani oo tira ahaan gaaraya ku dhowaad boqol askari ayaa waxaa ay ka kala socdaan labo waddan oo kala ah Jabuuti iyo Burundi kuwaasoo ciidamo nabad ilaalin ah ay ka joogaan Soomaaliya.

Ujeedka Ciidamadani ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka aqalka hoose ee dowladda cusub oo lagu qabanayo magaalada Cadaado.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa ku dhoweeyay magaalada Cadaado cutubkani ka socda ciidanka AMISOM.

Magaalooyinka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan ayaa qorshaha uu yahay in la geeyo ciidamo AMISOM ah oo sugidda ammaanka qeyb ka qaata.

Goobjoog News