U bood dhigaalka

Gaas oo maanta dhagax dhigay laami cusub oo Garoowe laga hirgalinayo

Sheeko:Dalka

gaas wadMadaxweynaha Puntlad C/wali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay wadada isku xirta magalada Garowe iyo madaxtooyadda oo loo qorsheeyay in laamiga laga dhigo, maadama ay adag tahay in gaadiidka ay maraan.

Dhismaha wadadaan ayaa waxaa gacanta ku haysa Hay’adda wadooyinka PHA waxana dhisaaya shirkadda isxilqaan oo ka mid ah kuwa ka shaqeeya Gobaladda Puntland.

Agaasimaha jidadka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa ku tilmaamay dhismaha wadadu inay qaadan doonta afar bilood ayna dhantahay dharer keedu 1.300 oo Mitir.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay qayb katahay dhismaha wadadaan hormarinta wadooyinka Puntland, ayna noqon doonto laami labo qaybood oo gaadiid maraan leh, waxa kale uu sheegay Xirsi in ay dhowaan u howlgali doonaan dhismaha wadada kale ee aada qaarka mid ah wasaradaha dowladda oo aan sidaasi uga sii fogayn dhismaha madaxtooyadda.

Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay inay wax badanoo is-badal ah uu yimid dhismaha wadadaan lacagta ku baxaysana ay Puntland bixinayso, wuxuna sheegay inay sidoo kale qayb katahay isku tashiga dadka si’aan waxba looga sugin gacmo shisheeye.

Dhaqaalaha kubaxaya wajiga koowaad ayaa lagu sheegay inuu kabadanyahay saddex boqol oo kun oo doolar taas oo meesha kasaaraysa in Hay’adaha caalamiga ah laga sugo inay ka qayb qaataan dhismaha wadooyinka Puntland.

Magalada Garowe ayaa ka mid ah magaalooyinka sida ballaaran uga muuqda is-badalka dhanka dhismaha iyo wadooyinka taasoo lagu tilmaamay inay horay usii socoto.