U bood dhigaalka

C/weli Gaas: Daacish Masii Joogi Doonto Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo aaney sii joogi doonin dagaalyahannada Daacish.

Gaas ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay u diyaariyeen sidii ay Daacish uga saari lahaayeen degmada Qandala ee gobolka Bari, islamarkaana hadda uu socdo qorshe duulaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horeyna waan u sheegay, Daacish ma haysan karto Qandala, mana sii joogeyso, diyaar baan u nahay inaan Daacish ka saarno deegaannadeenna, ciidanka dowlada Puntland wuxuu diyaar u yahay inuu la dagaallamo cadowga” ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in hadda degmada Qandala waxa ku sugan ay yihiin oo kaliya Daacish, islamarkaana guud ahaan shacabka ay kasoo barakaceen degmadaasi.

Qandala, waxaa ku sugan dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo halkaasi la wareegay 26-ka bishii tagtay, waxaana shalay iyo habeen hore degmadaasi ka dhacay duqeymo ay fulinayeen Maraakiib iyo diyaarado dagaal.

Goobjoog News