U bood dhigaalka

C/weli Gaas “Nabadoon Xarago Cadaaladda Ayaa La Horgeyn”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulkaa Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xarriga Boosaaso loogu geystay afahayeenka Nabadoonnada Bari, Nabadoon C/qaadir Xarago.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in cadaaladda la horgeyn doono Xarago, isaga oo ku sifeeyey inuu kamid yahay ama taageersan yahay Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in qaladkii ugu weynaa ee Nabadoonka uu sameeyey ahayd inuu isku soo sawiro rag dil ku xukuman sidoo kalena uu warbaahinta ka hadlo.

“Ninkaan la sheegayo ee Nabadoonka Isku sheegay ee arrintaan ka hadlayna waxaan u haysannaa Shabaab iyo ciddii taageersanba waa Shabaab, inuu tago xabsiga oo nimankii dilka lagu xukumay oo dadka laayey isku soo sawiro micnaheedu waxa weeye isna waa kamid, cid kale ayuu malaha fariin u dirayaa oo isaga taageero u yahay, isna wixii sharciga ka qabo ayaa la marsiinayaan, annaga ma raadsan nabadoonka, isagaa lugihiisa xabsiga ku tagey annaga maa raadsan, wixii ciqaab ah ee uu mutana waa la marsiin” ayuu yiri Gaas.

Xarigga Nabadoon Xargo ayaa yimid, kadib markii Nabadoonka uu xabsiga Boosaaso ku booqday 7 dhallinyaro ah oo ku xukuman dil, kuwaasi oo Nabadoonka uu sheegay lagu jir dilay xabsiga.

Goobjoog News