U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Gaaray Kismaayo, Kana Warbixiyey Waxa Looga Hadlayo Shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Gaas oo si kooban uga hadlay shirka maamul goboleedyada uga furmaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dano gaar ah aan laga lahayn ee laga hadli doono oo kaliya arrimo quseeya maamullada.

Wuxuu sheegay in shirkaan sida loo dhigay ulajeediisu aanu ahayn, balse yahay shir ay isku wareysan doonaan madaxda maamul goboleedyada, kagana hadli doonaan wadashaqeyntooda iyo midda ay la leeyihiin dowladda dhexe.

“Shirka Kismaayo tafaasiil badan baa laga bixiyey waxyaabo badan baa laga falkiyey, xaq bay u leeyihiin dowlad goboleedyada iney isku yimaadaan, duruufaha gaarka iyaga u ah iyo danaha ka dhaxeeya iyaga ay ka wadahadalaan, taa micnaheedu ma ahan in ujeeddo kale laga leeyahay, in la isku yimaado howlaha qaranka ee dalka ee socda uu kamid yahay Dastuurka, awood qeybsiga, kheyraadka dabiiciga ee dalka iyo waxbadan ayaa laga wadahadali doonaa, sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen maamullada iyo tan kala dhaxeysa dowladda ayaa laga hadli doonaa waxaana rajeynaynaa in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo” ayuu yiri Gaas.

Madaxda maamullada K/galbeed, Puntland, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana ay ka qeybgali doonaan shir gogoshiisa uu dhigay madaxweyne Axmed Madoobe.

Goobjoog News