U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Sheegay In Guul Uu Ku Dhammaaday Shirkii Madasha Ee Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in  shirkii Madasha ee kusoo gebogeboobay magaalada Muqdisho looga hadlay arrimo badan islamarkaana uu kusoo dhammaaday shirkaasi guul iyo is faham.

Wuxuu sheegay in muhiimadda shirku ahaa sidoo loo soo gebogebeyn lahaa waxyaabaha looga baahan yahay doorashada iyo in la isla meel dhigo waxyaabaha ka dhiman ee xasaasiga ah.

Gaas ayaa sheegay in 90% in uu diyaar yahay barnaaamijka doorashada, islamarkaana madaxda madasha ay si aad ah arrimahan diiradda u saareen.

“Waxaa laga hadlay arrimaha doorashada, sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha dhiman, sidoo kalena waxaa laga hadlay arrimaha amniga doorashada, 90% waa diyaar barnaamijka doorashada” ayuu yiri Gaas.

C/weli Gaas ayaa dhinaca kale ka eedeyn ay maamulkiisa u jeediyeen shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland taasi oo ku aadan in Puntland la siiyey xubno dheeraad ah islamarkaana Sad bursi ah.

“Nin Xamar jooga Puntland iyo Gobolladeeda kama hadli karo, waan garaneynaa nimanka meesha jooga ee marna leh Somaliland baan nahay marna leh waxaan nahay Dir Waqooyi” ayuu hadalkiisa raaciyey Mr Gaas.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhammaaday shirka madasha Wadatashiga qaran, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka.

Goobjoog News