U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo u Digay Siyaasiyiinta Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga digay siyaasiyiinta Puntland inay marin habaabin ku sameeyaan nidaamka doorasho ee dalka u baahan yahay xilligaan.

Waxa uu tilmaamay in dadka looga baahan yahay in aanay dhageysan siyaasiyiin uu sheegay inay ka hadlayaan Idaacadaha islamarkaana marin habaabin ku wadaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan dadka u sheego in niman siyaasiyiin ah oo fashilmay oo maalmahaan idaacadaha ka hadlayay ay dadka wareeriyaan, waxaan idiin sheegayaa in aan annagu xambaarsannahay aragtida shacabka Puntland” ayuu yiri Gaas

Maalmihii ugu dambeeyay siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegayey in madaxweyne Cabdioweli Gaas uu qiyaano ku sameeyay shacabka Puntland oo ay tilmaameen in ay qabaan aragtida doorasho inay noqoto midda deegaan.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaranka, kaasi oo daba socda kii Kismaayo kusoo dhamaaday is faham waaga.

Waxaa magaalada soo gaaray shalay madaxda maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo shirkaasi qeyb ka ah.

Goobjoog News