U bood dhigaalka

C/weli Gaas: Puntland Kuma Yaraaneyso Hadalka Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay hadlay hadal dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay mar uu ka hadlayey gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay in Puntland ahtahay Labo gobol iyo Bar, balse ay wax ku qeybsato Sagaal gobol.

C/weli Gaas ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay mid aan laga fiirsan islamarkaana Puntland ay ku aas aasantay 5 gobol haddane ay 9 gobol tahay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu idaacadaha ka yiri ee ah Puntland waa labo gobol iyo bar waxa uu muujinayaa aqoon yarida  ka haysata  dalka, Puntland hadalka  Xasan Sheekh ku yaraan mayso kuna weynaan mayso,  waxaana  lagu aas-aasay Puntland shan gobol iyo degmada Buuhoodle, maantana Puntland waa sagaal gobol”. ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Puntland ayaa si rasmi ah u maamusha gobollada Bari, Nugaal iyo qeyb ka mid ah gobolka Mudug, waxaa jiro gobollo ay sheegto inay maamusho oo kala ah Sool iyo Sanaag balse halkaasi waxaa inta badan maamula Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaa jira deegaanno maamulka Puntland ay gobollo ka dhigeen balse aan ka mid ahayn 18-ka gobol ee dalka.

Goobjoog News