U bood dhigaalka

Cyril Ramaphosa Oo Noqday Madaxweynaha South Africa, Waa Kuma?

Sheeko:Dalka

Codeyn maanta dhacday ka dib, baarlamaanka South Africa ayaa Cyril Ramaphosa u doortay in uu noqdo Madaxweynaha dalkaasi. Ramaphosa waxaa uu badalayaa Madaxweynihii is-casilay mudane Jacob Zuma.

Doorashadan ka dib, caqabado badan ayaa horyaallo madaxweynaha cusub, dhinacyada ugu muhiimsanna waa dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha cusub waxaa laga sugayaa in uu wax ka qabto musuqa, shaqala’aanta iyo saboolnimada.

23 sano ka dib markii South Africa ka gudubtay midab-takoorkii, weli waxaa ka jira nidaam dabaqado ah oo dhibaato ku ah horumarka iyo is-dhexgalka bulshada.

Dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira waxaa ka mid ah: koronto la’aan haysata dad badan, qaar adeeg caafimaad ma aan haysan, waxbarashada oo liidata, waxaa kale oo uu dalkaasi caan ku yahay dambiyada qorsheysan, ee weliba ka dhanka ah ajaanibta.

Cudurka dilaaga ah ee (HIV/AIDS) dadka qaba tiro ahaan kor ayey u kaceen oo halkii ay ka ahaayeen 2002-dii, 4.72 Milyan oo qof,  2016-kii waxaa ay gaareen 7.03 Milyan.

Dhalinyarada shaqala’aanta ah waa 68%, waxaa kale oo shaqada Cyril Ramaphosa hortaallo ka mid ah inuu mideeyo xisbiga African National Congress ka hor doorashada 2019-ka.

Haddaba, waa kuma Cyril Ramaphosa?

Cyril Ramaphosa waa 65 jir, horay uga tirsanaa midowga shaqaalaha, ka dibna waxaa uu la shaqeeyay hoggaamiye Nelson Mandela…xitaa markii uu ka dhigi-waayey ku-xigeenkiisa oo laga door-biday Thabo Mbeki, waxaa uu iska noqday ganacsade, weliba ninka ugu taajirsan South Africa.

Intii uu ganacsadaha ahaa, waxaa dhacay xasuuqii 2012-kii ee Marikana kolkaas oo dibad-baxayaal xuquuqdooda dheyman-qodidda u doodayey ay booliiska South Africa rasaas ku fureen, iyada oo halkaasi lagu dilay 34 qof, waxaa uu ka tirsanaa milkiilayaasha shirkadda lagu mudaaharaadayey.

Markii uu siyaasadda ku soo noqday, waxaa uu dalkaasi madaxweyne ku-xigeen ka noqday 2014-kii, Madaxa xisbiga ANC-na  2017-kii, maantana waxaa loo doortay Madaxweyanaha South Africa.

Goobjoog News