U bood dhigaalka

D/Goboleedyada Oo 5 Xubin U Saaray Sidii Dowladda Federaalka Ah Loogala Hadli Lahaa Qeybsiga Awoodda Iyo Kheyraadka

Sheeko:Dalka

Iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskii November 5, 2017 ee dhex maray dowladda federaalka ah  iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray hirgelinta qodobada 44aad iyo 54aad ee dastuurka KMG ah oo ku saabsanaa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka wada hadlaan doorashada 2020-ka, awood iyo kheyraad qeysiga ayey dowlad goboleedyada soo magacaabeen ilaa 5 xubin.

Xubnahan waxaa ay mas’uul ka noqon-doonaan sidii dowladda federaalka ah ugala hadli lahaayeen arrimahan iyo kuwa kale ee soo kordha iyo inay horay u dhaqaajiyaan dhameystiran howlaha dastuurka.

Xubnaha Maamul Goboleedyada Iska Soo Saareen Ayaa Kala Ah:

Cabdi Cali Raage, Hoggaamiyaha kooxda

Cabdiraxmaan Warsame Cabdi, Xubin

Cali Ibrahim Cali, Xubin

Cabdikadir Aden Maxamud, Xubin

Cabdul Maxamed Farax Makaran, Xubin

Goobjoog News