U bood dhigaalka

Daacish Oo Laga Qabsaday 15 Tuulo oo Ay Horay U heysteen Dalka Ciraaq

Sheeko:Dalka

Ciidamada  Ciraaq ayaa waxay soo ceshadeen 15 Tuulo oo ay horey gacanta ugu hayay ururka Daacish, kadib  bilowgii hawlgalkii millatari ee  lagu dhawaaqay kaasi oo looga saarayay Daacish qeybta galbeed ee magaalada Mosul ee dalkaasi.

Ciidamada Ciraaq oo gacan ka helaya isbaheysiga caalamiga ah oo uu hogaaminaayo Mareykanka  ayaa waxay bilaabeen weerarro  millatari oo ballaaran ,waxaan  ka mid ahaa kuwo lagu soo celinayo goobaha galbeed ee magaalada Mosul oo ay ku xooganeyd kooxda Daacish,  ciidamada ayaa waxay taageero dhanka cirka ah ka helayeen ururka isbahaysiga caalamiga ah ee ka soo horjeeda Daacish.

Weerarada lagu soo celinaayay deegaannadan waxaa ka qeyb qaatay kumanaan ciidan ah , iyadoo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee nooca qumaatiga u kaca iyo kuwa miigagga ah ee aadka u dheereeya .

Raiisulwasaaraha Ciraaq  Xeydar Al-cibaadii ayaa uballanqaaday dadka ku nool magaalada Mowsil inuu u furmay  bog cusub  oo ka maran ururka Daacish lagana dul qaadi doono, balse ciidamada ayaa waxay sheegeen inay guulo la taaban karo ay ka gaareen dagaallada ka dhacay galbeedka Mosul.

Dowladda Ciraaq ayaa horay u xaqiijisay iney soo ceshatay deegaannada bari ee Mosul bishii la soo dhaafay oo ahaa markii lagu dhawaaqay hawlgalkii millatari ee bilawday bishii October ee la soo dhaafay .

Wakaallada waraka AFP oo soo xiganeysa Abbas al-Jubouri oo ah taliyaha ciidamada howlgallada degdeg ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa shegay in ciidmada uu hoggaaminayo oo Boliska sida gaar ka ah u tababaran ah ay soo celiyeen deegaanno ku yaalla koonfurta Mosul iyadoo taasina ay ka dhigan tahay in ciidanku ay ku dhawyihiin Airportka magaalada.

Goobjoog News