U bood dhigaalka

Daacish Oo Sheegtay Inay Dishay Muwaadiniin u Dhashay Dalalka Norway Iyo Shiinaha

Sheeko:Dalka

Ururka Daacish ayaa sheegay in ay dileen Labo qof oo u kala dhashay dalalka Norway iyo Shiinaha kuwaas oo ay in mudda ah kooxdu madax furasho ay ka dalbaneysay.

ISIL ayaa Labo Bil kahor dalbaday lacag madaxfurasho ah si ay u sii daayaan Labada qof ee hadda la dilay.

Raggaan la dilay ayaa kala ah Ole Johan oo ah 48 jir u dhashay dalka Norway kaas oo ka soo jeeda magaladda Oslo, iyo Fan Jinghui, oo ah 50 jir u dhashay dalka Shiinaha oo ahaa la taliye madaxbanan oo ka soo jeeda Magaladda Beijing.

Daacish kama warbixin xiligii raggan ay qabteen iyo waxa ay ku qabteen markii ay gacanta ku dhigayeen, IS ayaa dhowr jeer dal dashay muwaadiniin reer galbeed iyo carab isugu jirta.

Ra’iisul wasaaraha dalka Norway Erna Solberg, ayaa ku tilmaamay dilka loo geystay Grimsgaard-Ofstad in uu haa dil bahalnimo ah.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu intaas ku daray in qubaro u dhalatay dalkiisa ay baaritaan ku sameynayaan saxnaansha flimka IS ay soo saartay, meydedka Labada ruux ee la dilay ayaa lagu dal dhajiyey erayga  kaafir,

Dowladda shiinaha dhankeeda wax war ah kama soo saareen dilka la sheegay in loo geeystay muwaadinkeeda.

Isla warbixibta Daacish ay ku sheegatay dilka raggan ayey ku soo bandhigtay walxo u muuqanaya in ay haayeen qalabkii loo isticmaalay soo ridida diyaaradii ruushka laga lahaa oo ay ku dhinteen in ka badan 220 ruux ee ku soo dul dhacday dalka Masar.

IS ayaa soo badhandhigtay Qasacad nuuca cabitaanka ah iyo Remote control sida muuqata diyaradda lagu soo riday xili dalka Ruushku dhankiisa uu xaqiijiyey in diyaaradda Bam lagu soo riday.

Goobjoog News