U bood dhigaalka

Daacish Oo Weerartay Xero Lagu Tababaro Ciidanka Ciraaq

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanada Daacish ayaa weerar ay ku qaadeen xero lagu tababaro ciidamadda Ciraaq ku dilay Saddex sargaal oo ka tirsan ciidamada Ciraaq iyaga oo halkaa ku dhaawacay 10 kale oo ay ku jiraan Afar tababare oo u dhalatay dalka Turkiga.

Weerarkan ayaa ka dhacay xero ku taalla gobolka Basheeqa oo aad ugu dhaw magalada Daacish ay heysato ee Mosul.

Sargaal u hadlay dalka Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in xerada ay ku soo dhaceen gantaalada loo yaqaano Katyusha  oo ay soo rideen xoogaga Daacish intii lagu guda jiray dagaal qaraar oo dhexmaray dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Peshmerga iyo Daacish.

Sargaalka Turkiga ah ayaa xusay in gantaallo aargoosi as ay ku qaadeen  Maleeshiyada Dowladda Islaamiga ah.

Xerada la weeraray waxaa lagu tababarayey xilligii dhacdadu ay dhaceysay  ciidamo gaaraya 1,000 oo Kurdiyiinta Ciraaq ah.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii caadis dowladda Turkiga kaga yimid Baghdad, uu ku qasbay in gobolkaa ay kala baxdo ciidamo aan ilaa iyo hadda aan la sheegin tiradooda.

Turkiga ayaa deegaanka Basheeqa ee dalka Ciraaq geeyey sanadkii la soo dhaafay tababarayaal Turki ah si ay u caawiyaan Kurdiyiinta iyo Suniyiinta dagaalka kula jira IS.

Goobjoog News