U bood dhigaalka

Daacshi oo Xirtay Suuqa Bakaaraha Halka Ay Dowladda Ciidamo u Rartay Baladweyn

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka ay Daacish xiratay qeybta dhismaha ee suuqa weyn ee Bakaaraha iyada oo laga doonayo lacag. Inta badan bakhaarada dhismaha ee dhaca jidka Aden Cadde ama jid Mareexaanka ayaa la sheegayaa in saaka ay xiran yihiin.

Qaar ka tirsan ganacsatada oo nala hadlay ayaa waxaa ay sheegayaan in ay bixiyeen canshuurta dowladda isla markaana aaney bixin Karin canshuur kale.

Daacish oo ah koox ka tirsan islaamiyiinta ka dagaalamaya Soomaaliya ayaa sida Al-shabaab oo kale waxay ganacsatada ka doonayaan lacag.

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan hey’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga oo ka falceliyey arrinkan, waxaana xusid mudan in saaka ayba dowladda ciidan u qaaday magaalada Baladweyn si loogu caburiyo dadka reer Hiiraan.

Goobjoog News