U bood dhigaalka

Daadir Amiin “Aad Baan Ugu Faraxsanahay In Aan Helno Stadium Muqdisho”

Sheeko:Cayaaraha

Macallin ku xigeenka kooxda Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay dib u soo celinta garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda ku samaysay dib u hagaain,tan iyo markii ay kala wareegeen Ciidamada Amisom sanadii 2018.

30-June 2020 ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xarigga ka jaray garoonka Stadium Muqdisho waxaana mudo 16-sano ka dib kulankii furitaanka kuwada dheelay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga Horseed waxaana ciyartaa 2-1 kun badiyay kooxda Horseed.

“ Waxaan ku hami weynaa in aan ku ciyaaro garoonka Stadium Muqdisho,balse waxaa faraxad ii aheyd anigoo macallin in aan mudo dheer ka dib ku dheelno garoonkaas qiimaha badnaa,waxaan u mahad celinaynaa cid walba oo kaalin ka geesatay soo coo celintiisa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare ku xigeenka naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Halkan Ka Daawo Macallin Daadir Amiin Cali Oo Ka Hadlay Soo Celinta Stadium Muqdisho