U bood dhigaalka

Daadir Amiin “Waan Ku Faraxsanahay Hanashada Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya ”

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Geeska Afrika ayaa ku guulaystay horyaalka heerka ee kubbadda cagta Sooamaliya 2019-2020 waxaana guusha u qaaday tababarahooda Daadir Amiin Cali oo sidoo kale ah macallin ku xigeenka kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Daadir ayaa sanadkan sameeyay guulo waaweyn waxaan u suurta gashay in uu qaaday horyaalka heerka 1-aad iyo heerka 2aad ee kubbadda cagta,taas oo muujinaysaa bandhig iyo hibada uu sameeyay macallin Daadir.

“Waan ku faraxsanahay guushan tariikhiga waxay ay inoo tahay maalmo xasuuso badan,waxaan u mahad-celiynaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda kaalinta wanaagsan ay ka qaateen hanashada horyaalka heerka labaad ee dalka ” ayuu Goobjoog Sporrts u sheegay tababaraha naadiga Geeska Afrika Daadir Amiin.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle