U bood dhigaalka

Daahir Ciirro “Gaas Masalaxaddiisa Gaarka Ah Ayuu La Ciyaarayaa” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse Ciirro oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland aanu xaq u lahayn inuu ka hadlo masiirka guud ee umadda Soomaaliyeed iyo inuu farogishto arrimaha dibadda.

Daahir Ciiro ay

aa sheegay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Gaas ee taageerista Sacuudiga iyo Imaaraadka, ay tahay qalad siyaasadeed uu galay, wuxuuna sheegay in la yaab ay ku noqotay markii ay maqleen.

Waxa uu tilmaamay in howlaha arrimaha dibadda ah ay shaqo ku leedahay dowladda Federaalka.

“Hadalkii Gaas ma oranayo waa xalaal, Soomaaliya waa Soomaaliya..walow dowladda dhexe aanay cago buuran ku taagneyn, hadana waxaa ceeb ah waxbadan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga bartay ayuu C/weli Gaas ku kacay, iftiinka mugdiga ayeey ka jecelyihiin Soomaalida, wadada Gaas uu qaaddey ma ahan mid nagu cusub, balse wuxuu u muuqanayaa mid maslaxaddiisa gaarka ah ciyaaraya”

Ciirro ayaa dhanka kale wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday iney la socoto heshiisyada maamul goboleedyada la galayaan dalalka shisheeye.

Halkaan hoose ka dhageyso

 

Goobjoog News