U bood dhigaalka

Daahir Ciirro: Madaxda Puntland Ayaa Wax Ka Og Hubka Loo Keeno Sida Sharci Darrada Ah

Sheeko:Dalka

Ex Xildhibaan Daahir Ciirro oo ku sugan Puntland ayaa sheegay in madaxda Puntland ay ka warqabaan hubka sida sharci darrada loo soo geliyo degaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Wuxuu tilmaamay in kaliya dekadda Boosaaso aanu hubka kasoo degin ee hub waaweyn la keeno deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo oo dhan, doonyana lagu keeno waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Adeer ganacsatada hubka waxay keenaan hub waaweyn iskaba daa Bistoolado Qoriga Suuga oo furfuran baa la keenaa, maamulkana waa uu ka warqabaa” ayuu yiri Ciirro.

Sidoo kale xilidhibaan hore Daahir Ciirro ayaa sheegay in habka qabiil ee ay Soomaaliya ku jirto ay ka faa’iideysanayaan ganacsatada hubka iibisa.

Dhanka kale mas’uulkan oo ka hadlay hub ay ciidamada Puntland ku qabteen magaalada Boosaaso ayaa tilmaamay in macquul ay tahay in markii ay yimaadaan ganacsatadii hubkaasi lahaa in lasii daayo.

Marar badan ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay hub badan oo qaarkood laga soo dejiyey dekadda weyn ee Boosaaso.

Goobjoog News