U bood dhigaalka

Daahir Xaaji Geelle

Sheeko:War

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan  Daahir  Xaaji  Geelle Xaaji Faarax  oo  8-dii sanno ee u dambeeyey ka   mid ahaa xildhibaanada  Soomaaliya  hadana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqday mudanayaasha maamulka Puntland u matali doona aqalka cusub ee wali doorashadiisu  socoto.

Xildhibaankan geeriyooday  sannadkii 1964-kii ayuu ku dhashay deegaanka Buuraan ee gobolka Sanaag ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya , waxaanu waxbarashadii dhexe  ilaa sare qaatay waqtigii dawladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre , isaga oo intaas ka dib shaqo ganacsi ka bilaabay dalka iskutaga imaaraatka carabta ka dibna waxa uu ka mid noqday shaqaalaha safaarada Soomaalida ee magaalada Dubai.

Daahir Xaaji Geelle oo geeridiisa lagu tilmaamay mid si kadis ah u dhacday oo aanu xanuun hore lagu ogayn, taasi oo naxtin ku noqotay ehaldiisa iyo dadka yaqaaney.

Sannadkii 2009-kii ayuu siyaasada Soomaaliya ku soo biiray isaga oo ka mid ahaa xildhibaanadii dawladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed , waxaanu mar kale ka mid noqday xildhibaanada  hadda waqtigu  ka dhammaaday ee  dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ilaa uu hadana mar kale ka mid noqday  xildhibaanada cusub.

Liibaan  Cabdulaahi  oo uu adeer u  ahaa xildhibaankan geeriyooday ayaa Goobjoog uga waramay  noloshiisa qoys ahaaneed waxaanu sheeegay in   uu ifka  akaga tagay  sideed caruur ah iyo hal xaas  oo degan dalka Masar. Waxaanu dalkaasi ka waday barashada shahaada Master degree-ga .

Xildhibaan Daahir  waxa kale oo uu soo qabtay xilka wasiir  ku-xigeenka arrimaha bulshada, dhalinyrada iyo Sportiga waqtigii dawladdii Madaxweyne Sheekh Shariif , waxaa uu Soomaaliya u matalayey Baarlamaanka carabta isaga oo sidoo kale ka mid noqday guddida maaliyada ee  baarlamaanka carabta.

Xildhibagan Daahir  waxa  olole xoogan ka galay ka mid noqoshadiisa xildhibaanada cusub ee afarta sanno ee soo socda baarlamaanka fadhiyi doona   waxaanu ololahaasi ka sameeyey deesgaanka Dahar oo ah degmada laga soo doorto

Maxamed Cabdulaahi oo labadii bilood ee ugu dambeeyey ay ka wada shaqaynayeen ololahiisa siyaasadeed ayaa sheegay inuu   ku guulaystay xildhibaanku  46 cod oo ka mid ah 51-kii cod ee doorashada .

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in ay ka wada tirsanaayeen baarlamaanka carabta 4-tii sano ee ugu dambeysay isagoo intaa raaciyay in uu ahaa qof aad u fiican oo marar badan lacagtiisa gaarka ah ku bixiyay sidii uu uga qeybgeli lahaa shirar badan oo looga hadlayo maslaxadda Soomaaliya.

Goobjoog News