Daahir Xaaji Geelle
Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle Xaaji Faarax oo 8-dii sanno ee u dambeeyey ka mid ahaa xildhibaanada Soomaaliya hadana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqday mudanayaasha maamulka Puntland u matali doona aqalka cusub ee wali doorashadiisu socoto.
Xildhibaankan geeriyooday sannadkii 1964-kii ayuu ku dhashay deegaanka Buuraan ee gobolka Sanaag ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya , waxaanu waxbarashadii dhexe ilaa sare qaatay waqtigii dawladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre , isaga oo intaas ka dib shaqo ganacsi ka bilaabay dalka iskutaga imaaraatka carabta ka dibna waxa uu ka mid noqday shaqaalaha safaarada Soomaalida ee magaalada Dubai.
Daahir Xaaji Geelle oo geeridiisa lagu tilmaamay mid si kadis ah u dhacday oo aanu xanuun hore lagu ogayn, taasi oo naxtin ku noqotay ehaldiisa iyo dadka yaqaaney.
Sannadkii 2009-kii ayuu siyaasada Soomaaliya ku soo biiray isaga oo ka mid ahaa xildhibaanadii dawladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed , waxaanu mar kale ka mid noqday xildhibaanada hadda waqtigu ka dhammaaday ee dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ilaa uu hadana mar kale ka mid noqday xildhibaanada cusub.
Liibaan Cabdulaahi oo uu adeer u ahaa xildhibaankan geeriyooday ayaa Goobjoog uga waramay noloshiisa qoys ahaaneed waxaanu sheeegay in uu ifka akaga tagay sideed caruur ah iyo hal xaas oo degan dalka Masar. Waxaanu dalkaasi ka waday barashada shahaada Master degree-ga .
Xildhibaan Daahir waxa kale oo uu soo qabtay xilka wasiir ku-xigeenka arrimaha bulshada, dhalinyrada iyo Sportiga waqtigii dawladdii Madaxweyne Sheekh Shariif , waxaa uu Soomaaliya u matalayey Baarlamaanka carabta isaga oo sidoo kale ka mid noqday guddida maaliyada ee baarlamaanka carabta.
Xildhibagan Daahir waxa olole xoogan ka galay ka mid noqoshadiisa xildhibaanada cusub ee afarta sanno ee soo socda baarlamaanka fadhiyi doona waxaanu ololahaasi ka sameeyey deesgaanka Dahar oo ah degmada laga soo doorto
Maxamed Cabdulaahi oo labadii bilood ee ugu dambeeyey ay ka wada shaqaynayeen ololahiisa siyaasadeed ayaa sheegay inuu ku guulaystay xildhibaanku 46 cod oo ka mid ah 51-kii cod ee doorashada .
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in ay ka wada tirsanaayeen baarlamaanka carabta 4-tii sano ee ugu dambeysay isagoo intaa raaciyay in uu ahaa qof aad u fiican oo marar badan lacagtiisa gaarka ah ku bixiyay sidii uu uga qeybgeli lahaa shirar badan oo looga hadlayo maslaxadda Soomaaliya.
Goobjoog News