U bood dhigaalka

Daanyeerro Abaarsaday Oo Bilaabay Cunista Xoolaha Nool, Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Dadka reer Miyiga ah ee gobolka Sool ayaa bilaabay iney iska difaacaan Danyeero abaarsaday oo weeraraya xoolaha nool sida Ariga iyo Geella yar yar ee Nirgaha ah, waxayna sidoo kale ay weerar ku hayaan geella Caatada ah ee fariistay oo ay indhaha kala baxayaan kadibna cunayaan, waxaana geella aanu awood u lahayn inuu iska celiyo Daanyeerayadaasi maadaama aanu kici karin.

Dadka reer Miyiga ah ee deggan deegaan lagu magacaabo Holhol oo qiyaastii 110 KM dhanka bari ka xigta magaalada Laascaanood ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaal xooggan ay kula jiraan daanyeeradaasi.

Maxamed Diiriye Aadan, waxa uu kamid yahay dadka xoolo dhaqatada ah ee dhibaatada uu ku hayo Daanyeerka, isaga oo sheegay in arrintan ay tahay markii ugu horreysay oo uyu arko ama maqlo Daanyeer cunaya Geel.

“Annaga qoys ahaan 15 neef buu naga cunay, dhibaatada uu nagu hayo waxaa kamid ah annaga Labo neef oo Nirgo ah buu indhaha kala soo baxay, aagga deriskayagana waxaan ku maqlay in dhibaatooyin badan ka geystay, geella caatada ah ee fariistay Indha ayuu kala soo baxayaa” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale Maxamed ayaa sheegay in Dumarkii iyo Carruurtii ay ka joojiyeen Geella ay raaci jireen sababtuna wuxuu ku sheegay in iyaguba ay naftooda ay halis galeyso.

Sababta Daanyeerka u cunayo xoolaha ayaa lagu sheegay abaarta ka jirta dalka, islamarkaana kasoo hayaamay deegaannada Howtka ah ee gobolka Sool.

Goobjoog News