U bood dhigaalka

Daaru Tarbiya Oo Ku Guulaystay Tartanka Iskuulada

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa lasoo gaba-gabeeyay koobkii kubbadda cagta dhallinyarada ee sanadka 2019-ka, waxaana ku guuleysatay kooxda Daaru Tarbiya [DT]. Tartanka dhallinyarada ayaa la qabtaa sanad kasta tan iyo markii uu billowday sanadkii 2016-kii wuxuuna tartankii socday bishii May ilaa November 2019.


Kooxda DT ayaa urursatay 54 dhibcood oo kaga filnaaday in ay ku guuleysato tartanka dhallinyarada. Inta badan cayaaraha tartankan ayaa ka dhacay xarunta farsamada xiriirka, iyadoo cayaartii ugu dambesyana lagu marti geliyay garoonka Banaadir, waxaana cayaaraha oo dhami dhici jireen maalmaha khamiista iyo jimcaha.

Dhallinyaro da’doodu u dhexyso 15-16 ayaa ka qeyb galay tartanka waxaana ay kala matalayeen 14 kooxood. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xiriirka Cali Cabdi Maxamed ayaa sheegay in tartankani uu muhiimad gaar ah u leeyahay xiriirka,maadaama uu soo saaro dhallinyaro tayo wanaagsan oo loo isticmaalo xulalka qaranka.

“Waxaan jeclahay in aan FIFA uga mahad celiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay na siiso, taas oo suuragal ka dhigtay in xiriirku horumariyo kubbadda cagta dalka min bilow ilaa heerka ugu sareeya”ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali (Shiine) oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee X.K.Cagta Soomaaliya.


Wuxuu guddoomiye ku xigeenku sheegay intii tartanku socday in khubaro ka tirsan waaxda farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ay xuleen cayaaryahanadii ugu wanagasanaa, kuwaas oo dhawaan loo diyaarin doono qorshe tababar,si loosii horumariyo xirfaddooda kubbadda cagta loogana faa’ideeyo mashruuca qaranka.

Somali Football Federation Media Department