U bood dhigaalka

DAAWO: Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Loo Tababarayo Difaaca Badaha

Sheeko:Dalka

Dalxiis uma dabaalanayaan dhalinyaradaan, todobaadkiiba Hal mar ayey halkani yimaadaan iyaga oo haminaya in ay bartaan dabaal ka duwan mida qofka caadiga ah uu sameeyo si ay iskugu diyaariyaan mustaqbalka maamulka badda Soomaaliya iyo ka faa’ideysiga qeyraadka ku jira.

Tiradaan dhalinyarada ah waxay ka tirsanyihiin ku dhawaad 150 arday oo wiilal iyo gabdho is kugu jira, culuumta badana lagu baro dugsiga Khaliif Macoow oo hoostaga hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed.

Macallin Maxamuud Cosoble, waxaa uu dabaasha baraa dhalinyaradaan ka hor inta badda la galin ayuu dardaaran siiyaa ardeydaan culuumta badda la barayo oo jimicsiga iyo orodka ayaa ka horreeya dabaasha.

Macallin Maxamuud Cosoble ayaa Goobjoog News u sharraxay waxaa ka dhaxeeya dabaasha iyo cuuluumta badda.

“Naaba Keeshinka ayey bartaan, marka nin aan dabaal aqoon ma baran karo,sababtoo ah ninka markuu Kabtaan gaaro waa inuu noqdaa nin badda iska badbaadin karo, haddii uusan dabaal aqoon cilmigiisa wax-maal waaye”.

Dhallinyaradaan waxaay doonayaan inay dallan rogaan aragtida jiilka cusub oo laga yaabo inay dalka ka tagaan iyo in aysan qaban shaqooyinka culus sida in badda laga jilaabto .

Qaar ka mida dhallinyaradaan ayaa Goobjoog News la wadaagay waxyaabaha ay ku bartaan tobabarkaan.

“Xisada waxaan leenahay xiso dabaaleed illeen wax walba sharci ayaa yiilay, sharciga markaan sheygaan u barato iyo marka aad iska barato isku mid maahan sida uu noo sheegay macallinkeena dabaasha nabaro”.

“Waxaan baranayaa sharciyada dabaasha macallinka ayaa dabaasha nabaro, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan nahnay dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan rabno in jiilka soo socda la wareegno”.

Dhanka kale wasaaradda dekadaha Soomaaliya oo xil uu ka saaranyahay ilaalinta iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliya,waxaay sheegtay in ay dadaal ku bixineyso qaab kasta oo lagu difaaci karo badda Soomaaliya .

Wasiir ku xigeenka gaadiidka dekadaha iyo badaha Soomaaliya Cusmaan Daalo ayaa sheegay in kawa saarad ahaan ay soo cilinayaan maraakiibtii ay dowladda Soomaaliya ay laheyd.

“Maraakiibta aad hadda baraneysaan dowladdii Soomaaliyeed Maraakiib ayey la heyd qaarkoodna waay noolyihiin qaarna waa ay burbureen,intii nool wasaaradda waxay u istaageysaa in la soo celiyo gacantana dowladda lagu soo celiyo iyo maraakiib kaloo cusub”.

Soomaalida oo aan garaneynin ka faa’ideysiga kheyraadka badda hadda waxaa is badalayo aragtidaasi .

Halkaan hoose ka daawo:

 

W/D: Cali Aadan Muumin