U bood dhigaalka

DAAWO: Dibadbax Lagu Dalbanayo Xorriyadda Qalbi Dhagax Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dad badan oo isugu soo baxay magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka dalbadeen in dib loo soo celiyo C/kariin Qalbi Dhagax oo gacanta ugu jira dowladda Itoobiya.

Dadka maanta isku soo baxa sameeyay waxaa ku jiray ehlada Qalbi Dhagax, gaar ahaan xaaskiisa Seddexaad iyo sidoo kale wiil yar oo isagu uu dhalay.

Xamdi Maxamed Cabdi, Afada Seddaxaad ee Qalbi Dhagax ayaa u sheegtay Goobjoog News, in weli aanay arag cid dowladda ka socota oo u tagta ugu yaraan.

“Soomaaali waxaa dhaqan u ah in qofka markii uu dhinto loo soo tacsiyeeyo, laakiinse annaga gurigii madoobaa ee dhibaatada nagu qabsatay ayaan ku jirnaa, madaxweynaha Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in ilaahay dhacdo xanuuna aanu ku keenin inuu naga furo dhacdadan xanuunka leh ee uu ina geliyey”

Mid kamid ah wiilasha uu dhalay Qalbi Dhagax, islamarkaana aad u da’yar ayaa isaga oo ilmeynaya waxa uu dowladda Federaalka ka codsaday in loo soo celiyo aabihiis.

Halkaan hoose ka daawo

 

Goobjoog News