U bood dhigaalka

DAAWO: Dowladda Oo Dhagxaan Ku Xirtay Waddooyinka Muqdisho Qaarkood

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagxaan waxay ku xirtay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidcadayaasha soo galaya laamiyada.

Tani waxaa cabasho ka muujiyey qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo sheegay in xaafadaha qaar haddii ay xaalad degdeg ah ka dhacdo aysan gaadiidka geli karin.

Waxay tilmaameen in muhiim ay tahay in sidii ay u furnaayeen jidcadayaasha la xiray loo furo, haddii amni sugis ay tahayna dowladda ay la timaado qaab kale oo ammaanka wax looga qabto.

Dowladda Federaalka ma aysan shaacin ulajeedka ka dambeeya iney xirto waddooyinka.

Meelaha inta badan xiran waxaa kamid ah wadada Wadnaha, waxaana dhagxaanta la dhigay Jidcadayaasha soo aadayey dhanka xiga xaafadaha wadada Makka Al-mukarrama, iyo meello kamid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

14-kii bishan, weerarkii ka dhacay Pizza House waxay dowladda Federaalka adkeysay amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaalka

Goobjoog News