U bood dhigaalka

Daawo: Falanqeyn Ku Saabsan Mushaar La’aanta Ay Ka Cabanayaan Qaar Ka Mid Ah Ciidanka DFS

Sheeko:Dalka

Waxaa soo badanaya askarta ka tirsan xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aan muddo Afar bil ah.

Ciidanka ka howlagala gobollada Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa waxay sheegeen ineysan mushaar iyo raashiinba helin 4-tii bil ee lasoo dhaafay.

Qaarkood waxay isaga soo baxeen furumihii ay ka joogeen gobolladaasi, iyadoo meelaha qaar ee ciidanku kasoo baxay la wareegeen Al-shabaab.

Dr Xasan Sheekh Cali oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda ah ayaa falanqeyn kala sameennay sababaha keenay arrintan iyo cidda mas’uuliyadda leh.

Halkaan hoose ka daawo:


Goobjoog News