U bood dhigaalka

Daawo: Ganacsatada Oo Joojiyey Qaadkii Ay Ka Keeni Jireen Kenya, Kuna Bedalay Kan Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keeni jiray qaadka ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay iney joojiyeen qaadkii ay ka keenayeen dalka Kenya, islamarkaana suuqaasi ay gabi ahaamba ka maarmeen.

Qooje Maxamuud Qeyliye oo ah guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ayaa u sheegay warbaahinta in suuqii Kenya ay ka guureen kuna bedaleen in dalka ay keenaan Qaadka Itoobiya.

Waxa uu sheegayin sababtaasi ay tahay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, iyaguna ay diyaar u yihiin iney garab istaagaan dowladdooda.

Afhayeenka ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa shalay sheegay iney joojin doonaan Qaadka ay keenaan Soomaaliya haddii aanay Soomaaliya ka laaban sahmintii shidaalka ee dhowaan la sameeyey.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyaguna hadalkaasi hanjabaadda ah ka duulaya ayaa go’aan adag ka qaatay Qaadkii Kenya, islamarkaana si iskood ah uga joojiyay dalka.

Halkaan hoose ka daawo:


Goobjoog News