U bood dhigaalka

Daawo: Goobaha Laga Cuno Raashiinka Wadaniga Oo Kusoo Badanaya Hargeysa

Sheeko:Dalka

Waa mid ka mida maqaaxiyahay sida weyn looga cuno cuntooyinka wadaniga ah waana dalagyada ka soo go’a wadanka ee magaalada Haegeysa.

Waxaana inta badan maalintii halkaan yimaada dad tiro badan oo ka soo doonta cuntooyinka wadaniga ah ee halkaani lagu iibiyo xilliyada qadada iyo cashada ayaa ugu mashquul badan maqaayadaha lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah.

Arrintani ayaa waxay dhiirogelin u noqon kartaa wax soosaarka dalka gaar ahaan dalagyada kasoo baxa dhulka, iyada oo beeraleyda Somaliland ay inta badan ay cabasho ka muujiyaan cuntooyinka ka yimaada dalka dibaddiisa gaar ahaan mucaawinooyinka hay’adaha.

Dadka halkaani ka cunteeya waxay aaminsanyihiin in cuntadani ay ka nafaqo iyo faa’ido badantahay cuntooyinka kale ee aan wadaniga aheyn.

Hadaba waa kuwaan qaar ka mida dadka cuna cuntooyinka wadaniga ah oo la hadlay Goobjoog News waxayna yiraahdeen:

“Markii hore waxaan cuni jiray cuntooyinka dibadda nooga yimaada sida Bariiska,Baastada iyo waxyaabaha la keeno xanuuno kama aano bixi jirin,iminka waxaan ogaaday caafimaad ahaan in ay ii wanaagsantahay raashinkaani dalkeena ka baxa oo ay ka midka yihiin digirta,Garowga,Jowrada”.

Qof kale oo cuna cuntooyinka wadaniga ah waxaa uu yiri “ Cuntada wadaniga ah iyo cuntada dibadda laga keeno waxaa u dhaxeeya farqi weyn cuntada wadaniga ah haddii bulshadeyna ay u soo jeesato waxaa laga helayaa Fatamiino Kaalshiyom wax walba ayaa laga helayaa waxaa dibadda laga keeno faa’ido malahan xanuuno ayaa laga qaadaa oo maanta bulshadii ku dhacaya”.

Mustafe Maxamuud Boobe, waa maamulaha maheraddani lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah, waxaa uu u sheegay Goobjoog News in aad looga iibsado cuntooyinka wadaniga ah marka la barbar dhigo waqtiyadii hore oo aan dadku aad u cuni jirin.

“Boqolkiiba waxaan oran karaa todobaatan miraha aad ayey u isticmaalaan waqtigaan hadda la joogo siiba dadka waqtigii hore waxay cuni jireen habeenkii ayay cuni jireen miraha balse hadda waqtiyo kale ayaa ku soo biiray sida qadada oo kale dadka waxaad moodaa inay mirihii ay la soo qabsanayaan”.

Arintaani ayaa waxay dhiiro galin u noqoneysaa waxsoo-saarka dalagga kala duwan ee wadanka.

Khaalif Foodhaadhi

Goobjoog, Hargeysa

Mawduucyada:Gobollada