U bood dhigaalka

Daawo: Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare Oo Si Rasmi Ah U Bilowday

Sheeko:Waxbarashada

Waxaa maanta bilowday imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiga sare ee fasallada Form 4, iyadoo ay jirto in ardada qaar ay waajahayaan dhibaatooyin farabadan.

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Mahadi Maxamed Guuleed, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka midaysan ee shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan ardayda gobollada dalka marka laga reebo Puntland oo si gaar ah u qabsaneysa imtixaanka.

Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay iney imtixaanka u diyaariyeen 2000 oo askari oo sugaya amniga goobaha imtixaanka.

Si kastaba, imtixaanka Shahaadiga ah ayaa sanadkan waxaa u fariistay arday kor u dhaafsiisan 35 kun oo arday oo imtiaxaanka ku galaya Dowlad Goboleeda Dalka. Iyadoo ay sanadkan tahay sanadkii 6aad ee si xiriir ah loo qabanayo imtixaanka midaysan.

Halkan ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Imitaanka Dugsiyada Sare

Goobjoog Edu