U bood dhigaalka

Daawo: Madaxda Dalka Oo Ka Qeyb Galay Salaadii Janaasada Ee Ra’isalwasaarihii Hore Xasan Abshir Faarax

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore dalka ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Axmed ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax.

 

Xassan Abshir Faarax, waxa uu soo noqdey guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ,     kadib waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, oo bilowgii ka noqdey Wasiirka Arrimaha gudaha, kadib waxa uu kamid noqdey siyaasiyiintii ka qaybgalay shirkii Carta 2000, waxaana uu noqdey Xildhibaan iyo wasiir, kadib markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cali Khaliif Galayr, waxa uu noqdey ra’isulwasaaraha Soomaaliya dowladdii kumeelgaarka ahayd sanadkii 2001. mar kale ayuu ka mid noqdey baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2004, ilaa sanadkii 2015 markaas oo uu iska casiley.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saasan Madaxda Dalka Oo Ka Qeyb Galay Salaadii Janaasada 

Gooboog News