U bood dhigaalka

Daawo: Markii Lagu Badalay Kadib, Maxamed Bin Salmaan Oo Gacanta Iyo Lugta Ka Dhunkanaya Ninka Uu Aabihii Casilay

Sheeko:Dalka

Dalka Sacuudiga 48-dii saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay inqilaab dastuuri ah kadib markii Dhaxal sugihii Maxamed Bin Nayid si lama filaan xilka looga qaaday, laguna badalay wiil uu dhalay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Caziz.

Arbacadii waxaa dalka Sacuudiga ka dhacday munaasab uu xilka ku wareejinayo ninka la casilay ee Maxamed Bin Nayif, si shakiga loo saaro, labada nin markii ay kulmeen waxaa caalamka la tusay in uu ka dhaxeeyo xushmad iyo qadarin.

Sida muuqaalkan ku daawan doontaan Maxamed Bin Salmaan oo hadda ah dhaxal sugaha waxaa uu gacan iyo lugba ka dhunkanayaa ninka xilka looga qaaday.

Maxamed Bin Salmaan waxaa isku hayaa xilalka Dhaxal Sugaha, Ra’isul wasaare ku-xigeenka, wasiirka gashaandhigga iyo xilal kale oo dowladda Sacuudiga ku og tahay.

Daawasho Wacan: