U bood dhigaalka

DAAWO: Shacabka Oo Rafaad u Mara Helista Warqadda Dambi La’aanta Ee CID

Sheeko:Dalka

Shacab badan oo doonaya iney helaan waraqadda dambi la’aanta ee CID ayaa rafaad u mara sidii ay warqaddan ku heli lahaayeen xilli dhowaan la sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyey xafiiska bixinta warqadahan qaabilsan.

Boqolaal dadweyne ah ayaa habeenkii xalay  ahaa lagu arkay iyaga oo jiifa waddooyinka ku dhow xarunta CID illaa KM-4, kuwaasi oo sheegaya iney doonayaan helista kaarka kala horreynta oo ay tilmaameen in la bixiyo Sideed Saac habeennimo.

Dadkan ayaa isugu jira dhallinyaro, dad da’ah iyo waliba sidoo kale hooyooyin horey usoo kaxeystay caruurtooda.

Mid ka mid ah hooyooyinka warqaddan soo doontay oo xalay la kulmay wariyeyaasheenna waxay sheegtay in ay ka timid degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose, muddo Saddex maalin ahna ku rafaadday helista waraqadda dambi la’aanta, balse ay dantu ku kalliftay in ay horseexato CID si aanay mar kale wax u seegin.

Dhanka kale, dadka aan la kulannay qaarkood waxay sheegeen in culeysyada badan ay keeneen dadka ka shaqeeyan xafiiska bixinta warqadda dambi la’aanta oo aad u yar, musuq lagu sameeyo dadka iyo arrimo kale oo badan.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa dhowaan dib u habeyn ku sameeyey xafiiskii arrimahan qaabilsanaa, iyadoo loo sameeyey meello gaarah oo dadka kasoo galaan si loogu adeego.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:


Goobjoog News