U bood dhigaalka

Daawo>Dad Ka Cabanaya Dhul Boob Lagu Sameeyay Oo Dibadbax Ka Dhigay Degmada Kaaraan

Sheeko:Caalamka
Dad isku soo baxay islamarkaana ka cabanaya dhul boob ay ku hayaan askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dibadbax ay arrinkaasi uga soo horjeedaan ku dhigeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.
Dadkaan oo warbaahinta la hadlay ayaa wax aay sheegeen in guryaha laga burburiyay oo hooy u ahaa inay daganaayeen muddo fog waxa ayna soo bandhigeen dukumentiyo muujinaya inay guryahaasi leeyihiin waxa ayna intaas ku dareen haatan boob weyn lagu hayo dhulkoodii.
Dhankan kale waxa ay madaxda ugu sareysa dowladda faderaalka ah ugu baaqeeyn inay arrintaan soo farageliyaan islamarkana ay cabashooda sida ugu dhaqsiyaha badan wax ugu qabtaan.
Halkan Ka Daawo Dadkan Cabanay Oo Qaarkooda La Hadlay Goobjoog
Goobjoog News