U bood dhigaalka

Daawooyin Wax ka Taraya Cudurka Epola oo La Tijaabiyay

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ,ka dib markii  tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xiriira in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi.

Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious )ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo  mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola.

Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo rer Koongo ah,halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi,waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir  ,ka dib markii  la ogaaday in ay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka  REGN-EB3 iyo  mAb114 .

Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola ,isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi.

Goobjoog News