U bood dhigaalka

Dab Baabi’iyay Dalag Beereed Oo Ka Kacay Deegaanka Isku Shuban Ee Gobalka Bari

Sheeko:Dalka

Dab xooggan ayaa ka kacay dhul beereed aad ballaaran, kaasi oo ku yaalla deegaanka Isku shuban ee gobalka Bari, halkaasi oo khasaare hantiyeed uu ka dhashay.

Dabkaan oo illaa iyo haatan aan la ogeyn waxa sababay inuu kaco ayaa waxaa ku baaba’ay dalagii beerahaasi iyadoo ay gubteen in ka badan 15-beer.

Beerahaan waxyaabaha ka baxayay waxaa ka mid ah Liin, Saytuun, Babaay, iyo waxyaabo kale oo aad u badan.

Asli Xirsi Maxamed oo ka mid ah beeraleyda ku hanti beeshay halkaasi ayaa u sheegtay Goobjoog News, in dabka kacay uu saameeyay dhammaan beerihii halkaasi ku yaallay sidoo kalena dabka uu baab’iyay guryo halkaasi ka dhawaa.

“Waxaa naga gubtay 15-beer oo wax walba inooga baxayeen, waxaa naga gubtay guryo meesha inooga yaalla, waxayna ahayd musiibo rabbaani ah, anaga ayaa nafteeda kala baxnay” ayeey tiri Asli.

Ugu dambeyn ayeey ugu baaqday maamulka Puntland in ay lasoo gaaraan gurmad degdeg ah, maadaama dadku ay yihiin beeraley, ayna ku noolaayeen waxa ay beerahaasi ka helaan.

Goobjoog News