U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab gelinkii hore ee maanta ka kacay guri ku yaalla xaafadda Buulo Xubey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa loo maleynayaa inuu ka dhashay koronto ku jirtey gurigaasi, waxaana baaba’ay dhammaan agabkii gurigaasi yaallay.

Cabdi Yalaxow, waa qofkii deganaa gurigan gubtay, waxa uu Goobjoog News u sheegay in dabkan aanu geysan khasaare nafeed, waxaana uu sheegay iney ku dadaaleen in dabka aanu guryaha kale ee halkaasi ka dhow aanu ku faafin.

Yalaxow ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay dedaal badan u sameeyeen sidii ay dabkaasi ku damin lahaayeen, waxaana uu sheegay in markii dambe halkaasi ay gaareen Saddex gaari oo dab damis ah, kuwaa oo ka socda maamulka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dabka kacaya, iyadoo Isniintii Todobaadkan dab geystay khasaare naf iyo maalba leh uu ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Goobjoog News