U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Isbitalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa saaka abaare Salaaddii subax ka kacay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta qalliinnada ee Ibsitaalkaasi, kaasi oo baabi’iyay dhammaan agabkii iyo dawadii halkaasi taallay.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dabkan uu ka dhashay Koronto halkaasi ku jirtay.

Gaadiidka gurmadka ee dab damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaan si aanu usii fidin, iyadoo weli aan lasoo bandhigin xaddiga khasaaraha inta uu la egyahay.

Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in goor dhaw ay saxaafadda u xaqiijiyaan inta uu la egyahay khasaaraha dabkani ka dhashay.

Dab sidan oo kale ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, waxaana ku baaba’day dawo loogu tala galay in lagu daweeyo hooyada iyo dhallaanka.

Goobjoog News