U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Kaam Ku Yaalla Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay kaam ay deganaayeen dad barakacayaal ah, kaasi oo ku yaalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, dabkan ayaa ka kacay mid ka mid ah guryaha ka sameysan bacaha ee ku yaalla kaamkaas.

Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ilmo Saddex Sano jira ayaa ku dhintay dabkaasi, waxaana ku baabay guryo iyo xarumo ganacsi oo Kaamkaasi ku yaallay.

Dabkan ayaa degdeg ku faafay, maadaama magaaladaasi ay ka jiraan dabaylo xooggan, iyadoo dadka Garoowe iyo maamulka magaaladaasi u gurmadeen qoysaskii ku dhaqnaa halkaasi oo ugu dambeyn dabka la damiyey.

Kaamka uu dabkan ka kacay oo la yiraahdo Kaamka Yemaniyiinta ayaa waxaa ku noolaa qoysas aad u dan yar, kuwaasi oo hadda u baahan gurmad dhan walbo ah.

Goobjoog News