U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Xarumo Ganacsi Oo Ku Yaalla Degmada Waaberi Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab xooggan ayaa wuxuu ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Dabka.

Dabkan ayaa gabi ahaamba basbeeliyey xarumahan oo isugu Dukaamo, maqaayad, iyo sidoo kale goobo dharka lagu tolo.

Gadiidka dab-damisma oo gaaray halkaasi ayaa ugu dambeyn dabkan damiyey, wallow uu isku maray dhammaan xarumihii halkaasi ku yaallay, balse aanu meelo kale usii gudbin.

Lama oga weli waxa sababay in dabkan uu kaco, iyadoo dhanka kale uu dabkaasi ka dhashay khasaare maaliyadeed.

Dabkan ayaa kacay abbaare 2-dii habeennimo (Saqdhexe) isaga oo socday in ka badan Saddex saac.

Lama tirakoobin khasaaraha maaliyadeed ee dabkan ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News