U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Xarumo Ganacsi Oo Ku Yaalla Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Dab sababay khasaare hantiyeed ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidey inoo sheegeen goob-joogayaal, xarumaha dabkan uu ka kacay ayaa ku yaalla nawaaxiga aargada magaalada Kismaayo, wuxuuna ka dhashay koronto ka kacday mid ka mid ah xarumahaasi.

Ganacsatadii kale ee halkaasi ka dhowaa ayaa bilaabay iney alaabtooda kala baxaan goobahooda ku dhowaa halkaasi.

Kooxaha dab-damiska oo gaaray halkaasi ayaa ugu dambeyn ku guuleystay iney damiyaan dabkan oo kusii faafi lahaa meello kale oo hor leh.

Weli ma jirto faah faahin rasmi ah oo laga hayo khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi, waxaana socda tirakoob ay ganacsatadu waddo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News