U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Degmada Guriceel

Sheeko:Dalka

Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa saakay waxa uu ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaasi, sidoo kalena wuxuu ku faafay dabkan xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan degmadaasi, dabkan ayaa sababo la xiriira dhanka korontada u kacay, waxaana socda dedaallo lagu daminayo.

Goobta dabkan uu ka kacay waxaa leh shirkad lagu magacaabo Beder, waana goob inta badan dadka ay usoo ganacsi tagaan.

Shacabka ku dhaqan degmada Guriceel iyo sidoo maamulka degmadaasi ayaa wada dedaallo badan oo lagu daminayo dabkan.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News