U bood dhigaalka

Dab Khasaare Geystay Oo Ka Kacay Xarun Ganacsi Oo Ku Taal Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa saakay ka kacay xarun ganacsi oo ku taallay Isgoyska Albaraka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugan halka dabkan uu ka kacay ayaa u sheegay Goobjoog News, in god lagu keydiyo qashinka oo halkaasi ka dhowaa uu ka billowday dabkan kacay, kadib markii qashinkaasi la gubey.

Ciidamada amniga ayaa markii uu dabka kacay waxay si degdeg ah ku xireen dhammaan waddooyinkii halkaasi ka dhowaa, waxaana goobta gaarey gaari dabdamis ah oo ay leedahay Shirkadda Hormuud, kaasi oo ku guuleystay daminta dabka.

Dabkan ma aanu sii faafin, iyadoo weli khasaaraha hantiyeed inta uu la egyahay aan la ogeyn, balse dabka ayaa ah mid gabi ahaanba dambsa ka dhigey wax walbo oo yaallay dukaankaasi.

Dabka sidan oo kale ah ayaa mararka qaar si lama filaan ah ku kaca, waxaana magaalada ka jira dabaylo sii hurin kara dabka kaco.

Goobjoog News