U bood dhigaalka

Dab Khasaare Geystay Oo Ka Kacay Gobolka California Ee Dalka Mareykanka

Sheeko:Dalka, War

Dab ka kacay dhexbartamaha gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sababay iney geeriyoodaan ugu yaraan labo ruux, 80 gurina ay ku baaba’day, iyadoo dad gaarya kumanaan qof laga daadgureeyay goobihii uu dabku ka kacay oo ah dhul baaxadiisu gaareyso illaa 121 Km oo isku weer ah.

Dabkan ayaa ka kacay degaanka Lake Aazbala ee Degmada Kern, iyadoo shaqaalaha dab damiska ay u suurtogashay iney xakameeyaan 5% oo kaliya khasaaraha dabka, iyadoo taas ay u sabab tahay dabaylo xooggan oo degaanka ka socday iyo dhirta oo inteeda badani qalleyl noqotay maadaama 5 tii sano ee lasoo dhaafay uu gobolka California uu waajahayay qalleyl dhanka degaanka ah oo aad u xooggan.

Guddoomiyaha California Jerry Brown ayaa ku dhaawaqay xaalad degdeg ah, iyadoo taasi ay keeni karto in dadka la gaarsiiyo kaalmooyinka si dhakhso ah.

Gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa waxaa soo waajahay qalleyl farabadan oo muddo 5sano ah, iyadoo isbuuc ka hor heer-kulku uu kor u kacay 40 darajo, waxaana dalka mareykanka hadda lala tacaalayaa 14 dab oo dhamaantood ka kacay koonfur-galbeed, iyadoo kulaylka xooggan ee isbuuc ka hor bilowday ay ku geeriyoodeen 5 qof.

Goobjoog News