U bood dhigaalka

Dab Sababay Dhimashada Laba Carruur Ah Oo Ka Kacay Hargeysa

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in xalay guri ku yaallo xaafadi Daami uu ka kacay dab xooga.

Dabka ka gacay guriga ayaa la sheegay in uu geystay khasaaronisigu jira Naf iyo maal.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay laba carruur ah ayaa ku geeriyootay dabka.

Qaar ka mid ah dadka degan xaafadda Daami ayaa sheegay in dabka uu sidoo kale ku fiday gurya kale oo ka agdhawaa goobta uu dabka ka kacay.

Ciidamada dab damiska magaalada Hargeysa oo gaaray goobta ayaa markii dambe ku guuleystay in ay damiyaan dabka.

Carruurta dabka ku dhimatay ayaa la sheegay in ay da’doodu u dhaxeeysay 4-jir illaa 6-sano jir.

Isbuucya ka hor ayeey aheyd markii sidaan oo kale dab ka kacay xaafad ku taallo Hargeysa ay ku geeriyoodeen Carruur yar yar.

Goobjoog News