U bood dhigaalka

Dabaaldegyo Ka Socda Puntland

Sheeko:Dalka

Guud ahaan deegaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa maanta looga dabaaldegayaa 21-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska maamulkaasi.

Munaasabado aad loo soo agaasimay ayaa ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo dadweyne badan isku soo baxeen.

Magaalada Garoowe ayaa si weyn looga dabaaldegayaa, iyadoo kumanaan shacab ah iyo madax isugu soo baxeen goob fagaare ah.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay gaada ka ciyaarka ciidanka iyo waxyaabo badan oo maalintaan si gaar ah loogu weyneynayo.

Madaxda Puntland iyo mas’uuliyiinta DFS ka socda ee jooga Garoowe ayaa la filayaa in halkaasi khudbado ay ka jeediyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News