U bood dhigaalka

Dabageed “Guudlaawe Wuxuu Soo Amray In Xabsiga La i Dhigo”

Sheeko:Dalka

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maalin ka hor xilka guddoomiye-nimo looga qaaday wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in la qorsheeyey in isaga xabsiga la dhigo.

Wuxuu tilmaamay Dabageed in madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle uu soo amray ciidanka DFS ee ku sugan B/weyne, in isaga xabsiga ay dhigaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Cali Guudlaawe wuxuu lasoo hadlay ciidanka DFS ee milatariga, Booliiska iyo NISA oo uu leeyahay Dabageed hala soo qabto, aniga sharci ayaa i qaban kara ee ima qaban karo rabitaanka Waare iyo Guudlaawe, sharcigiina iyagaa diiday” ayuu yiri Dabageed.

Dhanka kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in reer Hiiraan ay ka war sugayaan dowladda federaalka ah, islamarkaana wixii ay ku taliso diyaar u yihiin.

“Reer Hiiraan waxay isku raaceen in dowladda Soomaaliyeed ay ka war sugaan, dowladda sidey wax u dhigtana ay qaataan, waxay dhibsanaayaanna wax laga weydiiyo, arrintaanna dowladda Soomaaliya soo farageliso”

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa iska diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo sheegay in sifo aan sharci ahayn loo soo maray arrintaasi.

Goobjoog News