U bood dhigaalka

Dabageed “Madaxweynaha Hirshabelle Xilka Wuu Iga Qaadi Karaa”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.

Dabageed ayaa sheegay in ka shaqsi ahaan uu soo dhoweynayo go’aan walbo oo uu qaato madaxweynaha Hirshabelle, islamarkaana arrintaasi uu arko go’aan madaxweyne.

Wuxuu tilmaamay in xil ka qaadistiisa ay tahay oo kaliya shaqadii uu hayey oo cid kale loo dhiibey, islamarkaana waxa uu ballanqaadey inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan iyo guud ahaan maamulka Hirshabelle.

“Xilkaan waa la iga qaadi karaa, madaxweynaha Hirshabelle isagaa madax ka ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, cidda uu doono ayuu xilkaasi u magacaaban karaa, aniga shalay shaqo ayaan hayey, maantana shaqdeydii cidda loo dhiibey diyaar baan  u ahay inaan la shaqeeyo” ayuu yiri Dabageed.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegto uu soo saarey xilkii kaga qaadey Yuuduf Axmed Hagar Dabageed, wuxuuna xilkaasi u magacaabey Cali Jeyte Cismaan.

Goobjoog News