U bood dhigaalka

Dabageed Oo Mushaar Siiyey Ciidankii Booliiska Ee Xuquuqdooda Ka Waayey DFS

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa bishii Labaad oo uu xilkan hayo ku guuleysto inuu mushaar siiyo 200 oo ka mid ah ciidamada Booliiska B/weyne, kuwaasi oo xuquuqdooda ka la’aa dowladda federaalka ah.

Dabageed ayaa u sheegay ciidankaan in looga baahan yahay iney xoojiyaan shaqada ay shacabka u hayaan, islamarkaana kaalin ka qaataan sidii ammaan iyo kala dambeyn loo heli lahaa.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha inta maamulkiisa uu shaqeynayo iney bixin doonaan mushaarka ciidamada Booliiska, maadaama ay dowladda federaalka ilowday.

Qaar ka mid ah ciidamada Booliiska ee la siiyey lacagahan ayaa sheegay in maamulkaan uu wax badan kaga bedalan yahay maamulladii hore, islamarkaana ay lacagahooda heleen xilli ay dowladda dhexe ku ilowday B/weyne.

Halkaan hoose ka dhageyso:

 

Goobjoog News