U bood dhigaalka

Dabageed “Xildhibaan Aan Lagu Soo Dooran Hiiraan Wakiil Noogama Noqon Doono Dowladda Dhexe”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in xiildhibaan aan lagu dooran gobolkaasi aanu matali doonin gobolka Hiiraan, islamarkaana wakiil uga noqoneyn dowladda dhexe ee dalka.

Dabageed ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu hortaagan yahay guddiga doorashada heer dowlad goboleed gaar ahaan Hiiraan oo uu tilmaamay in  isaga uu magacaabay.

“Waxaan leeyahay caqabadda lagu hayo guddiga doorashooyinkaa gobolka Hiiraan oo aan aniga magacaabay intana ka diray looguna talogalay in gobolka wax kusoo dhisaan Xamar nimanka ku hortaagan kahor wareegga, Xamar wax lagu dhisay annaga wakiil nooma ahan, beesha caalamkana wey ogtahay, xildhibaannada kuwa rabow inta imaada, inta nin aan lagu dooran wakiil noogama noqon kara dowladda dhexe” Dabageed ayaa sidaasi yiri.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in haddii guddigan 24-saac gudaheed ku tagi waayaan magaalada B/weyne uu xubno kale magacaabi doono.

“Guddiga aan aniga magacaabayna waxaan ugu baaqayaa in 24 saac gudahooda ninkii imaan waayo aan nin walbo ku bedali doono mid kale oo  qabiilkiisa ah, wiilasha isbaarada halaga daayo haddii kale shalay anaa magacaabee hadane kuwo kale ayaan magacaabaa”

Waxaa jirtay cabasho ay muujinayaan qaar ka mid ah waxgaradka Hiiraan, iyaga oo sheegaya in xildhibaannada gobolkaasi la doonayo in meel kale lagu soo xulo.

Goobjoog News