U bood dhigaalka

Dabar Go’a Ku Yimid Lacagta Shilinka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Horraantii 1940-kii ayey aheyd bilaabashada lacagta loo yaqaanno Shilinka, waxa uu ahaa magacyadii laga dhaxlay gumeystihii Ingiriiska ee ka talinayey geeska Africa.

Gumestahya waxa uu ku guuleystay in la qaato magac bixintiisa, 1960-kii ayey aheyd markii ugu horreysay oo la daabaco lacagta 100-ka Shilin iyo 50-ka Shilin.

Axmed Maxamed Xasan oo ah dhaqaale yahan ayaa uga waramay Goobjoog News arrintani waxa uuna yiri:“ Kun sagaal Boqol iyo Lixdankii markii la soo gaaray,  waxaan qaadannay Shilinkii Ingiriiska ayaa dib naloogu celshay, sababta uu noogu celinayo waxa uu rabaa Shilinkiisa inuu faafo oo aduunka uu gaaro,markii ugu horreysay waxaan qaadannay 5- Shilin, 10-shilin,20,shilin,100,shilin”.

Dabayaaqadii sideed tameeyadii ayaa loo baahday lacag dheeri ah, maadaama ay dowladda ku kacsanaayeen jabhadihii hubeysnaa waxaana la daabacay lacagta  50-Shilin, markii ay dowladda dhaceysana waxaa la daabacay lacagta 1000-ka shilin.

Cabdi-Caziiz Axmed Ibrahim Dhaqaale Yahan waxa uu yiri “Dowladda waxa ay la tashatay hay’adda IMF iyo qolyihii dowladaha dhibaatada ka dhaca taageeri jiray, waxaa lagula taliyey marka in lacagta meesha laga saaro shiln Soomaaliga baaba’ay, waxa ay ku talisay IMF in la soo daabaco lacag cusub balse kunka shilin iyo shanta boqol ee dhibaatada keenay in aan la soo celinin”.

Bilowggii kacdoonnadii hubeysnaa kuwaas oo ka horyimid dowladda Millatariga ayey bilaabatay hoos-udhaca qiimaha shilinka Soomaaliga si taasi looga hortago, waxa ay dalbatay dowladda sameynta lacag cusub loona bixiyey magaca “shilinka Cusub ama New Shlin” .

Marka uu meesha ka baxay Bangigii  Soomaaliya oo ahaa meesha laga maamulo lacagaha, waxaa sii xoogeystay daabicidda lacagaha been abuurka ee soo galayey dalka.

Mar kale Cabdi-Caziiz Axmed Ibrahim Dhaqaale Yahan waxa uu yiri:

“Meeshaas waxa ka bilowday in ganacsatada ay soo bilaabaan daabacaadda lacago cusub, ganacstada waxa ay wax ku soo daabici jireen waraaqda A4 ilaa markii dambe koobiyada lagu daabaco lacagaha la keeno Xamar”.

Sanadkii tagay bartamihiisa ayey dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay daabici doonto lacag cusub oo badali doonta lacagtii hore,dadka ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa sheegay caqabado ay hortaaganyihiin daabacadda lacagtaasi waxaana ka mida waxyaabaha hortaagan.

-Bangiga dhexe ee Soomaaliya si buuxda uma shaqeeyo.

-lacagta cusub oo la soo daabacayo waxaa adkaaneyso in ay socoto ama la isticmaalo.

Bilaabashadii aaladaha casriga ah ayaa noqday caqabad kale oo hor leh taasna waxa ay keentay dadka gacmahooda ay ka baxdo lacagta Shilinka Soomaaliga ah

Maryan Axmed Haaruun Xildhibaannad waxaa ay tiri “Waxaad arkeysaa shaaha la gadanayo in lagu gadanayo lacagta EVSIGA,xataa dadka waxa ay barteen sida loo hadlo awal dadka waxa ay yaqaaneen Shilin Soomaali,qofkii baadiyaha ka yimid ayaaba EVSIGA ka hadlayo”

 

Qof walba lacagta waxa uu ka isticmaalaa gudaha telefoonkiisa,waxayna taasi keentay in lacagta Shilinka Soomaaliga ay ka zuusho gobollo badan.

Bella Maxamed Sheegow

Goobjoog News